624 Views

Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo heegan la galiyay iyo Ahlusuna oo ku dhawaatay Guriceel & Dhuusamareeb

Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo heegan la galiyay iyo Ahlusuna oo ku dhawaatay Guriceel & Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 202

Waxaa heegan sare la galiyay Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa ATMIS iyo Ciidamada Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, xili shacabka ay sameenayaan barakac xoogleh.

Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Dhuusamareeb waxaa saakay lagu arkayaa ciidamo fara badan oo baaritaano ka wada xaafadaha iyo waddooyinka soo gala magaalada.

Sidoo kale, Ciidamada oo aad u hubeysan ayaa lagu arkayaa iyagoo saaran dhismayaasha Guryaha Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo taasi ay walwal iyo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka kuna qasabtay inay barakac xoogleh sameeyaan.

Waxaa saakay degan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo inta badan dadkii deegaanka ku ahaa ay iskaga barakaceyn shalay ilaa xalay taas oo keentay cabsi ay ka qabaan inuu dhaco dagaal u dhaxeeyo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ururka Ahlusuna.

Sidoo kale, waxaa Jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay sameenayaan dhinacyada, Xili Ururka Ahlusuna ay Soo gaareen deegaano aan sidaa ugu fogeyn degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaa a wali socda barakaca ay sameenayaan dadka Shacabka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post