738 Views

Maamulka Buula-burde oo eeda Qaraxyada Garoonka Buula-burde dusha u saaray Amisom.

Maamulka Buula-burde oo eeda Qaraxyada Garoonka Buula-burde dusha u saaray Amisom.
____________________________________________________________________________


isniin: September 20, 2021

Gudoomiyaha Degmada Buula-burde ayaa eeda Qaraxyadii ka dhacay Garoonka magaalada dusha u saaray Ciidamada Amisom oo aan samaynin Taxadar dheeraad ah.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo lagu weerarray dhismaha cusub ee garoonka Buula-burde ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxyada oo lagu xiray dhisme cusub oo loogu talagalay dadka ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka inay sii maraan ayaa gabi ahaanba dhulka lagu daray sida ay muujinyaan sawiro laga soo qaaday.

Sidoo kale Maamulka deegaanka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyeen qaraxyda lagu burburiyay dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha Buula-burde.

Maamulka Buula-burde ayaa sidoo kale Dayacnaantaas eeda dusha uga tuuray Ciidamada Amisom ee  ku sugan Garoonka Buula-burde.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post