660 Views

Hormuud Salaam Foundation oo $20,000 (Labaatan Kun Dollar) ugu Deeqday Iskuulka Mucaasar

Hormuud Salaam Foundation oo $20,000 (Labaatan Kun Dollar) ugu Deeqday Iskuulka Mucaasar
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Hormuud Salaam Foundation, ayaa maanta ugu deeqdey $20,000 (Labaatan kun dollar) Iskuulka Mucaasar, oo bur bur xoog leh kasoo gaarey Qarax ka dhacay agagaarka Iskuulka 25 November 2021.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Mudane Abdullahi Nur Osman ayaa gudoonsiiyey lacagta kaalmadaa ah maamulaha Iskuulka, si aay gacan uga geystaan sidii Iskuulka dib loogu dhisi lahaa, iyadoo Iskuulka aay dhiganayeen wax ka badan 1,000 (kun) arday oo isugu jira heerarka kala duwan ee dugsiyada hoose dhexe iyo Sare.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation ayaa uga tacsiyeeyey Maamulka, Ardeyda iyo Waalidiinta, dhibaatadaa ku dhacday Iskuulka, wuxuuna Allah uga baryey inuu u sakhiro dib u dhiska Iskuulka, isagoo dhanka kale ugu baaqey dhammaan dadka Soomaaliyeed, meel kastoo aay joogaan, ineey gacan ka geystaan dib u dhiska Iskuulka, si dugsiga ugu suurta gasho inuu dib u hawlgalo, ardeydana dib waxbarashadooda usii wataan.

Maamulaha Iskuulka Mucaasar, Mudane Mahad Faarax Shaaciye, oo ka gudoomay gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation  kaalmadaa lacageed, ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation, dareenka iyo garab istaaga ay siiyeen  Iskuulka, wuxuuna sheegey in kaalmadaan lacageed aay wax ka tari doonto sidii Iskuulka dib loogu hawlgelin lahaa, isagoo dhanka kale ka codsaday dhammaan shirkadaha iyo ganacsatda Soomaaliyeed in ey sidaan oo kale soo kaalmeeyaan Iskuulka si mar kale uu dib ugu sii wado adeegii waxbarasho oo uu u haayey ardeyda Soomaaliyeed.

Fardowso Cali Faarax oo ka mid ah waalidiinta ardayda wax ka barata dugsiyada Mucaasar ayaa uga mahad celisay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation gurmadka ay la soo gaareen dugsiga si dib loogu howl geliyo Dugsiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post