609 Views

Xaddiga sicir-bararka sanadlaha ah ee Turkiga oo kor u kacay in ka badan boqolkiiba 36

Xaddiga sicir-bararka sanadlaha ah ee Turkiga oo  kor u kacay in ka badan boqolkiiba 36
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

Xaddiga sicir-bararka sanadlaha ah ee Turkiga ayaa kor u kacay in ka badan boqolkiiba 36, waana sare u kacii ugu sarreeyay muddo 20 sano ah.

Qiimaha gawaarida lagu raaco ayaa kor u kacay in ka badan kala bar, iyadoo qiimaha cuntada iyo waxyaabaha daruuriga ahna uu sare u kacay in ka badan boqolkiiba 40.

Sanadkii la soo dhaafay qiimaha lacagta Turkiga ee Lira ayaa ku dhowaad kala bar hoos u dhacay.

Waxay sanakdii hore boqolkiiba 44% ka hoos martay doollarka Mareykanka, haddana maanta ayay 5% hoos u sii dhacday.

Hoos u dhaca lira hayaa qiimaha waxyaabaha la soo dhoofiyo qaali ka dhigay.

Madaxweyne Erdogan ayaa heerka dulsaarka ku tilmaamay inay tahay “hooyada iyo aabbaha xumaanta”.

Khudbad uu maanta jeediyay ayaa wuxuu ku sheegay in Turkiga uu wajahayo isbeddel dhaqaale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post