1260 Views

Cumar Filish oo eedeyn culus u jeediyey Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya

Cumar Filish oo eedeyn culus u jeediyey Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

 Khamiis: july 8, 2021

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa eedeyn culus u jeediyey Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka haysato caqabad weyn.

Cumar Filish oo maanta ka qeyb-galay munaasibad uu gobolka ku shaacinayay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay lugaha hayso heshiiskii ay kal hore ugala wareegen maamulka waxbarashada gobolka.

“Wareejintaas ficil ahaan weli umaysan dhaqan gelin, waxaan rajeynaynaa in waxaas oo dhan ay dhamaan doonaan, si ubadkeena waxbarashada ku jira horumar u gaaran.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in arday badan ay dhigtaan iskuulada gobolka Banaadir, hase yeeshe ay jiraan kuwo kale oo badan oo wax-baran oo dhibaato ku haya dadka iyo dalka, oo ay tahay in wax laga qabto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post