651 Views

Maleeshiyaad hubeysan oo dilay darawal Gaari

Maleeshiyaad hubeysan oo dilay darawal Gaari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 23, 2021—Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar jidgal ahaa waxaa ay ku dileen Nin Oday ahaa oo darawal gaari ahaa, xili uu ku sugnaa degaanka la yiraahdo Caliyaal oo 18km dhanka Xuduudka ka xiga Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Darawalka la dilay oo Magaciisa lagu sheegay faadhigo Ibraahim, ayaa ka mid ahaa darawaliinta caanka ah ee qaadka kasoo qaada dhanka Itoobiya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka darawalka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dableyda hubeysan ay doonayeen inay jaadka ka dhacaan halka warar kale ay sheegayaan in aano qabiil loo dilay.

Laamaha Amniga degmada Cabudwaad weli kama hadlin dilkaas, iyada oo Darawalada kale ee jaadka ka keena dhinaca itoobiya ay sheegeen inay cabsoi soo wajahday, kuwaas oo halkaasi ka Shaqeysta.

Dilalka Darawalada Gaadiidka ayaa kusoo batay gobolada dalka, waxana dhawaan si kala gooni gooni gooni ah dawaliin loogu dilay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaas oo dilkooda uu la xiriiray aanooyin qabiil.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post