645 Views

Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay gudiyada hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed

Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay gudiyada hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 26, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay gudiyada hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer federaal, guddiga xalinta khilaafadka iyo xubnaha Jubaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha wadatashiga qaran.

Xubnaha Guddiyada ayaa waxaa ay warbixin la xiriirta arrimaha doorashooyinka siiyeen Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan.

Madaxweynaha ayaa xubna Guddiga ku booriyay inay dardar galiyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in uu halkaasi kasii wado kulamada looga hadlayo arrimaha doorashooyinka

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post