264 Views

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo War kasoo saaray xaalada magaalada Laascaanood iyo dhibaatooyinka ka dhacaya.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo War kasoo saaray xaalada magaalada Laascaanood iyo dhibaatooyinka ka dhacaya.
____________________________________________________________________________

Sabti: December 31  2022 

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa War kasoo saaray xaalada magaalada Laascaanood iyo dhibaatooyinka ay ka gaystay Somaliland.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ciidanka Somaliland ay ku laayeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, anigoo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood, reer Sool iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida iyo nabadda deegaanka.

Sidoo kale, waxaan Eebbe caafimaad u weydiinayaa dhammaan dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen, aniga oo rajaynaya in waxgaradka iyo haldoorka Soomaaliyeed ay u istaagaan xal u helidda dhibaatada ka taagan gobolka Sool. “

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post