4401 Views

Soomaali Laga Sii daayey Xabsi ku yaal Masar

Soomaali Laga Sii daayey Xabsi ku yaal Masar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 20, 2016: Xabsiyo dalka Masar ku yaal, ayaa waxaa laga sii daayay 120 ruux oo Soomaali, Itoobiya, Sudanes iyo Eretria, isugu jiray, kuwaasi oo doonaayay inay ka tahriibaan dalka Masar, xilligii ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Maxaabiistaan, ayaa in muddo ah waxa ay ku xirnaayeen Xabsiyada dalka Masar, balse shalay ayey suuragashay in la sii daayo.

56 ruux oo ka mid ah dadka la sii daayay waxa ay u dhasheen dalka Soomaaliya, waxaana ay isugu jiran Haween iyo Rag.

Dadkaan ayaa isku diyaarinayaa sidii ay dalkooda dib ugu noqon lahaayeen, xilli qarashaadka ay ku noqonayaan ay yihiin kuwa jeebkooda ka baxaya.

Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa ku xiran dad badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ciidamada ammaanka ay qabteen, xilli ay isku dayayeen inay ka tahriibaan dalkaasi.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment