732 Views

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ka hadlay Qaraxii xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni..

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo  ka hadlay Qaraxii xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni..
____________________________________________________________________________

6-  Marso, 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahan Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Qaraxii xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni ee ku taalla degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir.

Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu marka hore tacsi ugu diray dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo Ehelada dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday qaraxii xalay dhacay ee loo adeegsaday Mooto laga soo buuxiyay walxa qarxa.

Musharax Xasan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in la laayo dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, isagoona shacabaka ugu baaqay inay u midooban la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana la isku kashado

waa sida uu yiri.

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii caawa. waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyn” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Qarax Is-miidaamin ah ayaa xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni oo ay xiligaas ka cunteynayeen dad shacab ah, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, kadib markii ay dumeen dhismayaal.

Al-shabaab oo warar ku faafiyay baraha Internet-ka ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoona sheegtay inay bartilmaameedsadeen Saraakiil ciidan oo isugu imaatin lahaa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post