2196 Views

Wasiirka Maaliyadda oo digniin u diray shaqaalaha dowladda

Wasiirka Maaliyadda oo digniin u diray shaqaalaha dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 12, 2018 – Wasiirka Wasaarddda Maalyadda Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ee aanan soo xadirin shaqada aysan qaadaneyn wax mushaar ah.

Waxa uu sheegay in mushaar la siinayo oo uu xaq u leeyahay qofkii u shaqeeya dowladda ee soo xaadira waqtigii loogu tala galay, kuna baxa waqtiga shaqada laga tagayo.

Dr. Bayle ayaa waxa uu intaas ku daray in ay jiraan dad dowladda shaqaale ahaan ugu qoran balse meelo kale ka shaqeysta, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay dhammaatay.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay qofkii safraya ama ay dan qabsato ay ogeysiiso madaxda ka sareysa si loola socdo cudur daarka oo uu qofka shaqada uga maqan yahay.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan isku raacsanahay qofkii shaqeeya ee soo dhidhida xaqiisa inuu helo, qofkii aan shaqeyn inaan mushaar siin, waxba yuusan kuu soo war wareegin oo aanu xildhibaano kuusoo kaxeysan, ma qaadan doontid mushaar hadii aadan si sax ah u shaqeyn.” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay waxa ay dib u habeyn ku sameyneysay mushaaraadka shaqaalaha iyo hubinta dadka dowladda shaqaale ahaanta ugu diiwaangasahan ee aan shaqaynin.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment