201 Views

Haweeney 97 jir ah oo u dhalatay dalka Jarmalka oo lagu xukumay labo sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay in ay ku lug lahayd

Haweeney 97 jir ah oo u dhalatay dalka Jarmalka oo  lagu xukumay labo sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay in ay ku lug lahayd
____________________________________________________________________________

Talaado: December 20, 2022

Haweeney 97 jir ah oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa lagu xukumay labo sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay in ay ku lug lahayd dilka in ka badan 10,000 intii uu socday xasuuqii Holocaust.

Waxay ahayd mid ka mid ah maxkamadeyntii ugu dambeysay ee Jarmalku ku qaado dambiilayaashii xilligaasi.

Irmgard Furchner waxa ay xoghaye u ahayd taliyaha xerada xoogaynta ee Stuthof ee hadda loo yaqaano Poland.

Waxaa lagu maxkamadeeyay maxkamad dhalinyaro maadaama ay wakhtigaasi ahayd dhallinyaro.

Garsooraha maxkamadda ayaa diiday doodda qareenkeeda ee ah in aysan waxba ka ogeyn dilka.

Furchner ayaa sheegtay inay ka xuntahay wax walba oo dhacay xilligaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post