1422 Views

Sawiro:-Madaxweynihii Horre Ee Dalka Oo Kulan Layeesahay Waxgaradaka G/Hiiraan

Sawiro:-Madaxweynihii Horre Ee Dalka Oo Kulan Layeesahay  Waxgaradaka G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo 6,  2019 –Guddoomiyaha xisbiga  Midoowga Nabada Iyo Horumaraka  mudane  Hassan Sheekh Maxamuud  iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa saakay hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayagoona kulan horu dhac ah yeeshay.

Ugaaska ayaa soo dhaweeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa booqashadooda ay ku yimaadeen magaalada Baladweyne, isagoona tilmaamay in ay kulamo dhowr ah yeelan doonaan mudada ay joogaan.

Xildhibaan C/risaaq Cumar wasiirkii hore ee amniga, qeybna ka ah wafdiga xisbiga ayaa kulanka guddoomiyaha iyo Ugaaska kadib sheegay in kulankan horu dhaca ah uu xigi doono kulamo badan oo uu wafdiga la qaadan doono Ugaaska iyo waxgaradka gobolka, kulamadaasi oo ku saabsanaan doona arimaha xisbiga iyo guud ahaan tan gobolka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment