471 Views

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo kulan la qaateen wafdi ka socda UNSOM

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo  kulan la qaateen wafdi ka socda UNSOM
____________________________________________________________________________


Talaado: March 29, 2022

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Xasan Xuseen Xaaji oo ay ku wehliyaan la-talayaasha iyo agaasimayaasha Wasaaradda waxaa ay kulan la qaateen wafdi ka socda UNSOM & Qiimeeye madax bannan ee arimaha xuquuqda aadanaha ee ka socday UN ka,  si ay uga guul garaan xuquuqda aadanaha ee Dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa lagu yiri “Wasaaraddu, waxay warbixin dhameystiran kasiisay xeerarka xuquuqda aadanaha iyo horumarada laga sameeyey sharciyada quseeya xuquuqda aadanaha.”

Sidoo kale, Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji wuxuu caddeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, ayna u hogaansan tahay sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah.

Ugu dambeyn Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya wuxuu balan qaaday in ay  la shaqeyn doonto cid walba oo diyaar u ah inay sare u qaaddo xaqiijinta xuquuqda aadanaha. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey booqashadooda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post