573 Views

Dowladda Itoobiya oo beenisay eedeynta Mareykanka

Dowladda Itoobiya oo  beenisay eedeynta Mareykanka
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay eedeynta Mareykanka ee ah in dowladdaasi ay hortaagan tahay gargaarka bani’aadanimo ee loogu talagalay dadka tabaaleysan ee ay colaaddu ku saameysay gobolka Tigreeda.

Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka ayaa dowladda Itoobiya ku eedeysay in ay sababtay u tahay gargaar la’aanta ka jirta gobolka Tigreeda.

USAID ayaa dowladda Itoobiya ku eedeysay in ay “is hortaagtay” sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa gobolka Tigreeda.

Hay’addan ayaa ka digtay in cunnada gargaarka ahi ay ka go’i doonto gobolkaasi dhammaadka usbuucan.

Boqolaal kun oo qof ayaa halis ugu jira macaluul, xilli uu dagaal qaraar dhex marayo ciidamada dowladda iyo kuwa fallaagada TPLF.

Haseyeeshee dowladda Itoobiya ayaa beenisay in si ulakac ah loo hor istaagay gargaarka bani’aadannimo ee loogu talagalay dadka ku tabaaleysan gobolkaasi.

Afhayeenka ra’iisalwasaare Abiy Axmed ayaa saxaafadda u sheegtay in dowladdiisu ay mar kastaa baabuurta sida gargaarka u ogolaaneysay in ay galaan gobolkaasi Tigreeda, balse arrimaha nabadgelyadu ay tahay “ahmiyadda koowaad oo aan gorgortan laga geli karin”.

Billene Seyoum ayaa tiri: “Waa meel aysan xasillooni ka jirin, sidaa darteed … waxaa jiriya baaritaanno iyo habraacyo joogto ah.”

Madaxa hay’adda USAID, Samantha Power, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in qulqulka gargaarka bani’aadamnimo ee gobolkaasi ku yaal waqooyiga Itoobiya uu yahay mid aad u liita.

Waxa ay sheegtay in bakhaarrada raashinka ay “gabi ahaanba maran yihiin”, sidaa darteedna shaqaalaha gargaarka ay dhawaan waayi doonaan gargaar ay qeybiyaan.

“Cunno yaraantaasi ma ahan in cuntada aan la heli karin, balse sababtu waa dowladda Itoobiya oo hortaagan gargaarka bani’aadannimada iyo hawlwadeennada gargaarka, oo ay ku jiraan kolonyada baabuurta ah ee dhulka maraya iyo hawaduba,” ayay tiri Samantha Power.

USAID waxay ugu baaqday dawladda Itoobiya in si deg deg ah u ogolaato in gargaarka bani’aadannimo la gaarsiiyo gobolkaasi.

Waxay sheegtay in baabuurta sida gargaarka aysan ka bixi karin magaalada Semera ee gobolka Canfarta oo hadda ah waddada kaliya ee dhanka dhulka ee loo mari karayo gobolka Tigreeda.

Qaramada Midoobay ayaa iyana BBC-da ugu sheegtay in ka badan 100 baabuurta xamuulka ahi oo sida gargaar ay ku xayiran yihiin waddadaasi.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegay in qiyaastii 100 baabuur oo gargaar ah looga baahan yahay gobolkaasi maalin kastaa, haddase 320 baabuur oo kaliya lagu guulaystay in ay gaaraan gobolkaasi tan iyo dhammaadkii bishii Juun ee sanadkan.

“Ugu yaraan laba hay’adood oo kuwa samafalka ah oo muhiim ah ayay mar hore cunnadii ka dhammaaday,” ayuu yiri Saviano Abreu oo ka tirsan xafiiska arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ee OCHA.

“Haddii aan la helin gargaar cunno oo deg deg ah oo aan la carqaladeyn, waxaa jiri doonto khatar ku soo fool leh nolosha in ka badan 400,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigreeda oo durba ay ka jirto xaalad macaluul iyo in inkabadan 1.8 milyan oo qof oo hadda ku jira xaalad adag oo dhanka gaajada ahi ay suurtagal noqoto in ay gaajo u dhintaan,” ayuu yiri Saviano Abreu.

Colaadda gobolka Tigreeda ayaa billaabatay bishii Nofeembar ee sanadkii tegay, kaddib markii ra’iisalwasaare Abiy Axmed uu amar ku bixiyay in ciidamadu ay weerar ku qaadaan maamulkii Tigreeda sababo la xiriira weerar ay ciidamada maamulkaasi ku qaadeen saldhig milateri oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda dhexe.

Dowladda Itoobiya ayaa fallaagada TPLF u aqoonsatay koox argagixiso ah, halka iyaguna ay sheegtaan in ay weli yihiin dowladda sharciga ah ee gobolka Tigreeda.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post