2388 Views

Midowga Afrika Oo Lacag Ugu Deeqay Soomaaliya

Midowga Afrika Oo Lacag Ugu Deeqay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  12 Oktoobar, 2017 – Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa markii la doortay biloowgii Sanadkan waxaa uu bishii March booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Mr Faki ayaa xilligaas ballan qaaday in dadka ay abaaraha saameeteen ee Soomaaliya uu ugu deeqayo $100,000 (Boqol kun ) oo Doollarka Mareykanka ah.

Lacagtaas oo uu lix bilood kaddib bixiyay Musa Faki Maxamed ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya sida uu sheegay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena madaxa Howlgalka AMISOM Francisco Madeira.

Lacagtan ayuu Mr Francisco Madeira sheegay in lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya islamarkaana wax looga qabanayo meelaha ay wali ka jirto abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Waxaa uu intaas ku daray in qeyb ahaan abaarta Soomaaliya laga soo kabanayo laakiin ay wali tahay mid adag oo meelaha qaar ay dadku wali abaarta ku jiraan.

Munaasibad lagu qabtay Muqdisho oo lacagtaas lagu wareejinayay ayaa lagu sheegay in 2.9 Milyan oo Soomaali ah si toos ah u saameysay abaarta,sidoo kalena gargaarka Caalamiga ah iyo kan qurbajoogta SOomaalida ah kaga baxday uu gaarayo $1Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa bishii July kaga dhawaaqay Soomaaliya in ay ka jirto macluul,waxaana xilligaas lagu sheegay in laga baqayo in ay dhacdo macluushii 2011kii oo Qaramada Midoobey ay sheegtay in ay ku dhinteen 260,000 oo Qof.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment