597 Views

Ciidamada dowlada Kenya oo qabtay hub iyo dadkii watay

Ciidamada dowlada Kenya oo qabtay hub iyo dadkii watay
____________________________________________________________________________

Axad: December 12, 2021

Ciidamada Booliska magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku  dhigeen hub kaas oo laga helay xaafadda Iftin ee dowlad deegaankaasi.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in hubka uu ka kooban yahay 4 qori ah iyo 203 xirmo oo rasaas ah, sidoo kalena la xiray Saddex ruux oo hubkaasi watay.

Sidoo kale Boolisku waxaa ay sheegeen inay ku raad joogaan dhowr qof oo lala xariirinayo hubkaas, kuwaas oo lagu haayo baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan halka ay ka tirsan yihiin.

Booliska ayaa waxaa ay sheegeen inay
rumeysan yihiin in hubkan loo qorsheynayay in weerarro looga  fuliyo meelo kamid ah dalka Kenya, waxaana ay Bulshada ugu baaqeen inay laamaha Amniga kala Shaqeeyaan sugida niga.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post