213 Views

Warbaahinta rasmiga ah ee Iran oo ku warantay in dhul gariir uu ka dhacay waqooyi galbeed ee dalkaasi

Warbaahinta rasmiga ah ee Iran oo  ku warantay in dhul gariir uu ka dhacay waqooyi galbeed ee dalkaasi
____________________________________________________________________________

 Axad: January 29, 2023 

Warbaahinta rasmiga ah ee Iran, ayaa ku warantay in dhul gariir uu ka dhacay waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhintay, in ka badan 800 oo ruux oo kalana way ku dhaawacmeen.

Kooxaha gurmadka oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa tagay gobolka Galbeedka Asarbayjan, ee uu saameeyay dhulgariir kaasi ka dhacay, si ay u ogaadaan khasaaraha ka dhashay dhul gariirkaasi.

Sida xogta lagu helayo, dhul gariir kani, ayaa wuxuu sababay burburka guryo, iyo dhismayaal kale oo ku yaalla magaalada Khoy.

Kooxaha la socodka iyo daba galka, ayaa waxay diiwaangeliyeen dhul-gariir oo cabbirkiisu ahaa 5.9, darajooyinka lagu cabiro dhul gariirka..

Iran ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhulgariir, sababo la xiriirta juqraafi ahaan meesha ay ku taal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post