921 Views

Siciid Deni “Wasiir Dubbe dharkii maanta watay maaha, Muqaalka marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo

Siciid Deni “Wasiir Dubbe dharkii maanta  watay maaha, Muqaalka  marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo
____________________________________________________________________________

April 7-4-2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii galabta ka soo yeeray Wasiir Dubbe ee ahaa eedayn uu kala dul dhacay axmed Madoobe iyo Deni.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in muuqaalkii ay maanta xukuumaddu sii deysay ee wasiir Dubbe uu ku sheegay in Puntland iyo Jubbaland uu shirku ka socon waayey uu yahay mid horay loo sii diyaarsaday, islamarkaana ay dowladda federaalku horay ugu sii tala gashay fashilinta shirarka Afisyooni.

“Waxaa la yaab leh maanta iyo maalmihii horeba waan shireynay, balse waxaa noo cadaatay in qoraalka iyo muuqaalka ay galabta dowladdu sii deysay ay ahaayeen wax horay u diyaarsanaa, waxaa cad dowaldda federaalku in aysan rabin inuu dhaco shir looga wadahadlayo dalka, marka nasiib daradaas waa inay dadka Soomaaliyeed ogaadaan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in wasiir Dubbe uu maanta ku sugnaa Afisyooni oo madaxdu ay isugu tageen, balse dharka uu watay markii uu ka soo muuqday shirka jaraa’id ee eedeynta loogu jeediyey Puntland iyo Jubalnd uusan wadan, sida uu sheegay.

“Wasiir Dubbe waa uu nala joogay maanta, marka dharka uu isaga duubay muuqaalka kii uu watay maaha, marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo ayuu ahaa warkii galabta ka soo yeeray dowladda federaalka,” ayuu yiri Deni.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post