570 Views

Khadro Daahir oo Sheegtay inuu Cumar Dhuulle uga Baqay nin xoogweeyn oo kale

Khadro Daahir oo Sheegtay inuu Cumar Dhuulle uga  Baqay nin xoogweeyn oo kale
____________________________________________________________________________


khamiis: January 13, 2022

Waxaa laga yaabaa in Khadro Daahir Cige aad ku taqaannaa fanka iyo inay qaaddo heeso macaan oo keliya, balse waxbaa intaas u dheer , oo aadan ka ogeeyn , Khadro waxay ahaan jirtay Ciyaar yahanad ciyaarta kubbada Kolayga iyadoo u ciyaari jirtay Gobolkii Waqooyi Galbeed, waxayna marar dhowr ah ka qayb gashay tartankii gobollada dalka.

Khadro Daahir Cige, waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, iyadoo nolasheeda intabadan ku qaadatay halkaasi, kuna babaartay, ka hor intii aanay ku biirin fanka.

Khadro waxay qaadday ku dhawaad 250 heesood, heeseheedana waxa ay u badan yiihin kuwo aan dhicin ilaa hadda, mararka qaarna khadro waxaa heeseheeda laga sameeyaa sheekooyin ,inkastoo Khadro ay diidday inay igala hadasho sheekooyinkaasi.

Fannaanadda caanka ah ee Khadro Daahir Cige ,waxay fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-tii.

Heesteedi ugu horreysay waxaa u dhiibay macallinkeeda maaddada carabiga, kaasi oo u dhiibay heeskeedi kowaad ee ahayd Hawl iyo Dadweynoow , taasi oo aheyd hees wadani ah.

”Waad iska garaneysaa iskooladda xiisad ayaa jiri jirtay taasi oo lagu dhiganayo musigga, waan iska heesi jirnay,taasina waxay aheyd meesha lagu ogaanayo qofka soo baxaya” ayay tiri Khadro Daahir

Iyadoo waxbarashadda asaasiga ah ku jirta ayaa shaqada fanka la qoray markaasi oo Hargeysa ay joogeen fannaaniintii Waabari, heeskeedi kowaadan waxaa tumay Saalax Qaasin oo ahaa macallinkeedi sida ay khadro u sheegtay Barnaamijka Muusigga iyo Salaamaha ee BBC.

Khadaro iyo Waayaheedii Qurbaha

Fannaanadda Khadro Daahir ayaa sheegtay inay qurbaha joogtay muddo ku siman 25 sano, taasi oo ay ku macneysay inay aheyd mid adag, oo aan habeen loo dhigin teena waddanka,

”Anigu ma shaqeyn jirin ee guriga ilmaha iyo xaafaada ayaan ka shaqeyn jiray, halka markii aan Soomaaliya joogay aniga la ii shaqeyn jiray ,marar qaar waxaan aadi jiray xafladaha, qurbaha waxa kaliya ee laga faa’iiday waxay aheyd haddii Alle uu ku hagaajiyo ilmaha oo ay wax ku bartaan, dadkan danta ayaa qurabaha badday” ayay tiri.

Sheekooyinkii la yaabka lahaa iyo Khadro

Waxyaalihii layaabka ahaa ee qurbaha ku qabsaday waxaa kamid ahaa ,Khadro oo maalin dukaan u dukaameysi tagtay kaligeed, iyadoon si fiican luqadda waddankaasi looga hadlo garaneyn, ayaa madaamaa uu horay u caawin jiray xaajigeeda, ayey cishadaasi rabtay inay dukaanka ka soo gadato, Budada lagu fixiyo daqiiqda ama lagu qamiiriyo, balse Khadra waxaa ay tiri waxaan eegayaa fixiso (I am looking Baking powder) taasi oo ka yaabisay nimankii dukaanka gadayey, balse way is yara gartay oo waxa dukaanka ka baxday iyadoo u muuqata qof dhuumanaya.

Khadro oo markan ka warrameysa mar ay dalka joogtay ayaa sheegtay, xilli ay iyada iyo Alle ha u naxariste Cumar Dhuulle, oo ay gaadhi wada saaran oo ay Khadro gaadhiga waddo inay gaadhiga ku dhaweysay nin wadada hareerteeda taagnaa, oo ay sheegatay inuu xoogweeynaa,

“Wuu igu qayliyey oo waxaa uu i dhahay naa naga duw gaadhiga, markaasaan dhahay war maxaad noogu qaylineysaa miyaadan arkeyn inuu nin nala socdo, Cumarna waxaa uu ahaa dadka iska deggan oo aan aheyn reero dhibeed , balse markii uu warkaygii maqlay ayuu u degay ,waxaanna arkay isaga oo ninkii baryayo oo leh wa gabdhaheenniye maxaad ka rabtaa? oo maslaxaya, hadhow ayaan dhahay war Cumaroow maxaad ninka u maslaxeysay, ku yee naa walaal miyaadan arkeyn ninku intuu le egyahay, waa sheeko markasta oo aan soo xasuusto ku qoslo” ayey tiri khadro.

Fannaanadda Codka halaasiga laheyd waxay fanka ka baxaday sanaadkii 2002-dii haddana waxay ku nooshahay magaalada Hargeysa, iyadoo qurabaha tagta sannadkiiba mar taasi oo ay sheegtay inay caruurteeda soo eegto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post