849 Views

Ra’iisul wasaaraha cusub oo la kulmay Laamaha Ammaanka

Ra’iisul wasaaraha cusub oo la kulmay Laamaha Ammaanka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 28 2020—Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida & laamaha amniga G/Banaadir.

Kulankaan ayaa looga hadlay dardargalin howlaha qaranka, gaar ahaan howlaha Ammaanka Caasimada.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa faray dhammaan  Taliyeyaasha Ciidamada ee kulanka ka qayb galay dardargalinta Ammaanka caasimada.

Waxaa uu  sheegay in daradar gelinta sugida amniga ay marka koowaad muhiim tahay in lala Shaqeeyo Ciidamada Amniga,waxaana uu sheegay in Ciidanka kaligood aysan waxba qaban karin.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa isku bartay taliyeyaasha Ciidanka iyo Ra’iisul wasaaraha cusub.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post