786 Views

Madaxweyne Lafta gareen oo la kulmay wakiilo ka socday Beesha Caalamka

Madaxweyne Lafta gareen oo la kulmay wakiilo ka socday Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________


Talaado:October 12, 2021

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa kulan la qaatey wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo ay uga horreyso ku-xigeenka Wakiilka Qaramalda Midoobay ee Soomaaliya, ayna qeyb ka ahaayeen Safiirada UK iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho,  waxaa looga hadley Xaalada Dadkii laga soo musaafuriyey Laascaanood, Amniga guud Iyo Doorashooyinka Golaha Shacabka ee la filayo in ay ka bilawdaan deegaannada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Kulanka kadib madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo ay uga horreyso ku-xigeenka Wakiilka Qaramalda Midoobay ee Soomaaliya oo ay qeyb ka ahaayeen Safiirada UK iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post