642 Views

Wafdi ka socda ONLF oo Muqdisho u yimid caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Wafdi ka socda ONLF oo Muqdisho u yimid caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheekh
____________________________________________________________________________


Arbaco: June 8, 2022

Wafdi ka socday ururka ONLF ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga qeybgeli doonaan xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo Khamiista berri ah ka dhici doonta xarunta Afisyooni.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha ONF Abdirahman Mahdi, iyadoo ay soo dhaweeyeen xubno ka tirsan xukuumada iyo Baarlamaanka Federaalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqamo asaasi ah oo ku qotoma xorriyadda, sinnaanta iyo dimuqraadiyadda. Waxay ahaayeen kuwii aas-aasay dimuqraadiyadii kowaad ee Afrika. Waxaan u hambalyeyneynaa madaxweynaha cusub ee la doortay” ayay ONLF ku tiri farriin hambalyo ah oo ay u dirtay madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Soomaaliya waa dal muhiim u ah Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Inaguna waxay u rajaynaysaa madaxwaynaha cusub inuu door wax ku ool ah ka qaato sidii gobolka Geeska Afrika uu u noqon lahaa gobol nabadeed, horumar iyo heshiis dhexmara shucuubtiisa” ayay ONLF raacisay.

Sidoo kale Qalbi dhagax ayaa bishii hore gaaray magaalada Muqdisho halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay Raisal wasaaraha Somaliya Maxamed  Xuseen Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post