1275 Views

Sawirro:-Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo Shir Uga Qeyb Galaya Moscow

Sawirro:-Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo Shir Uga Qeyb Galaya Moscow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 01, 2019—Shirka caalamiga ah ee horumarinta Baarlamaanada Aduunka ayaa maanta ka furmay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya u metalaya Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo xubno Senataro ah oo uu hoggaaminayo.

Kulanka oo soco doona mudo saddex beri ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dowrka Baarlamaanada Aduunka ee Nabada iyo Xasiloonida, Faqriga, Bii’ada iyo qodobo kale.

Waxaa jiri doona kulan gaar ah oo u dhaxeeya Ruushka iyo Africa loogana hadli doono xiriirka Baarlamaanka Ruushka iyo kuwa Afrika.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment