1188 Views

Xabad joojin ka dhaqangashay Marinka Qaza

Xabad joojin ka dhaqangashay Marinka Qaza
____________________________________________________________________________

Xabad joojin ayaa ka dhaqan gashay Marinka Qaza saacadihii hore ee subaxnimadii Jimcaha ka dib markii Masar ay dhex dhexaadisay heshiis u dhexeeya Israel iyo Xamaas oo lagu joojinayo xabadda 11 maalmood.

Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in golaha amniga ay “si aqlabiyad leh u aqbaleen talooyinka lagu aqbalayo hindisaha Masar ee xabad joojinta aan shuruudda lahayn.

Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa markaa kadib bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyey xabad joojinta aqbalaada xabadjoojinta.

Kumanaan kun oo qof oo ku nool Qaza iyo dhulalka Falastiin ayaa isugu soo baxay jidadka si ay ugu dabaal dagaan xabad joojinta, iyagoo ruxaya calanka Falastiiniyiinta.

Ugu yaraan 232 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 65 carruur ah, ayaa lagu dilay duqeynta Israa’iil.

Dhinaca Israa’iil, waxaa ku dhintay 12 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post