1209 Views

Waqtiga dib loo furayo duulimaadyada Soomaaliya oo la shaaciyay

Waqtiga dib loo furayo duulimaadyada Soomaaliya oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 15 2020–Waxaa Maanta garoonka Diyaaradaha Dulles International Airport ee waqooyiga gobolka Virginia ka dagay diyaarad siday qeyb ka mid ah dad shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo heysta dhalashada Mareykanka, Canada iyo qeybo Yurub ah.

Dadkaasi oo Soomaali ah balse heysta dhalashada dalal kale ayaa Soomaaliya waxaa looga qaaday sababo la xiriira Cudurka Covid 19 oo loo joojiyay duulimaadyada Soomaaliya.
Diyaaraddaas ayaa aheyd mid gaar ah, waxaana weli xayiraad ay saaran tahay duulimaadyadii Soomaaliya, oo dowladda ay u joojisay xakameynta faafitaanka cudurka Coronavirus.

Maareeye ku-xigeenka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho Saacid Cabdi Celiye ayaa sheegay in ay jeel yihiin inay duulimaadyada furaan,balse ay ku xiran yihiin xaaladaha Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay socdaan dadaalo aduunka ka socda oo la xiriira ka hortagga Cudurka COVID-19,hayeeshee ay suurtagal tahay in garoonka la furo Bisha July,isla markaana dadka kasoo degaya garoonka ay awood u yeeshaan in la baaro.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment