5085 Views

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ee Puntland oo la kulmay duqa Magaalada Torino ee Dalka Talyaaniga

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ee Puntland oo la kulmay duqa Magaalada Torino ee Dalka Talyaaniga
____________________________________________________________________________
Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu ee Dawlada Puntland C/qaadir Maxamed
Yuuusuf iidi oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Turino
ee dalka talyaaniga asagoo  Cusmaad rasmi ah ka helay Masuuliyiinta
Magaalda ayaa halkaasi kula kulmay duqa Magaalada Torino Piero Fassino

Ugu horayn Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa ka qayb galay
shir loogu magac daray  Puntland-Somalia Press-Conference oo arbacadii
16 September 2015, lagu qabtay Qasriga Dawlada Hoose ee Magaalada
Turino , shirkaasi oo ay goob joog ka ahaayeen,Mooris Brown,
hoggaamiyaha xisbiga walaalaha ee magaalada Turino iyo Gobolka
Piedmont, wariye sawirqaade Alberto Alpozzi, oo katirsan ololaha
hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee Geeska Africa iyo qoraaga
buugga "Manaarada Mussolini", Alberto Alpozzi iyo masuuliyiin kale

Mooris  Brown hoggaamiyaha xisbiga walaalaha ee magaalada Turino oo ka
hadlay shirka ayaa sheegay in ay gobolka Piedmont sanad gudihiis soo
dhawaynta iyo caawimada dadka tahriibayaasha ah oo kaliya  ku bixiyaan
qiyaastii 80 million, waxaa fiicnaan lahayd  ayuu yiri in ugu yaraan
qayb ka mid lacagtaas  lagu maalgaliyo oo fursad lagu siiyo
horumarinta jiilalka Afrika ee halista u galaysa dhimashada badda
Mediterraneanka ama ku biiraysa ururada argagixisada sida ururka
alshabab ee dagaalada dhiiga badani ku daateen ka wada koonfurta
soomaaliya iyo Dalka kenya.

Mr. Mooris Brown ayaa intaasi ku daray : Waa inaan ka fikirnaa
siyaasadd ka hortag ah iyada oo loo marayo iskaashi caalami ah oo lagu
caawinyo qoysaska si ay u xaliyaan dhibaatooyinka isla goobta ay ku
sugan yihiin ,si looga hortago in xasuuq ka dhaco badda

Intaasi Kadib Gudoomiayaha Gobolka Gardafuu ayaa kulan la yeeshay duqa
Magaalada Torino Piero Fassino, waxayna uga wada hadleen kulankaasi
xiriirka Puntland iyo Talyaaniga , gaar ahaan Gobolka Gardafuu ,Wada
hadalkooda oo qaatay muddo saacado ah ayaa Gudoomiyu ku soo bandhigay
hindise lagu mataanaynaayo magaalada Turino, caasimadda Gobolka
Piedmont ee Dalka talyaaniga, iyo magaalada Caluula ee xarunta Gobolka
Gardafuu ee Dawlad Goboleedka Puntland.

gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Abdulkadir Mohamed iidi ayaa yiri: "Waxaa
ka dhexeeyay xiriir gobolkeena Guardafui oo ku yaal cirifka Geeska
Afrika iyo magaaladiinaTurino tan iyo markii sawir qaade ka socda
Turino, oo la yiraahdo Carlo Pedrini, uu diiwaan galiyay markii ugu
horeysay dhismaha Manaarada Francesco Crispi, Guri Dawladeed oo ku
haray ilaa maantadan la joogo Puntland iyo soomaaliya  casrigii
gumeysiga.

gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa ku daray in xiriirka labada dal iyo
magaalaba yahay mid hore oo taariikhiya asagoo sheegay in fursaddan
uga faaiidaysanayan si ay u cusboonisiin lahaayeen iskaashigii u
dhexeeyay magaalada Turino, caasimadda Gobolka Piedmont ee Dalka
talyaaniga, iyo magaalada Caluula ee xarunta Gobolka Guardafu ee
Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya

Gudoomiyaha ayaa yiri Waa fursad sidoo kale ganacsiga talyaanigu uu
fursado badan oo maalgashi ka heli karo dalkeena.

Ugu Danbayntii Gudoomiye C/qaadir iidi ayaa yiri "Italy waa Gurigaygii
labaad Markii aan halkan imaado mar walba soo dhaweeyn sida ugu
wanaagsan oo suurto gal ah ayaa lay sameeyaa, Waxaan leenahay taariikh
muhiim ah oo iskukaya keenta oo na xiriirisa : .

Gardafuu1Governatore di Guardafui puntland-002 Governatore di Guardafui puntland-001 Governatore di Guardafui puntland-003

Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal -Gobolka Gardafuu
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment