339 Views

Guddoomiye Madaale oo Kulan La Qaatay Madaxa Sanduuqa Hormarinta Sucuudiga

Guddoomiye Madaale oo Kulan La Qaatay Madaxa Sanduuqa Hormarinta Sucuudiga
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudiga Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

Guddoomiye Madaale ayaa Madaxa (SFD) Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen Qorshayaasha Hor-tabinta u leh Dowladda Hoose ee Xamar iyo Barnaamij-yada Horumarineed ee Caasimadda, taasi oo ay ugu horeyso Horumarinta Kaabayaasha Adeegyada Aasaasiga sida Caafimaadka, Waxbarashada, Dib-u-dhiska Caasimadda iyo Horumarinta Magaalada Muqdisho.Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa balan qaaday in Sanduuqa (SFD) uu Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar kala shaqeyn doonno Arrimaha Horumarinta iyo Adeegyadda Aasaasiga ee wax-tarka u leh Bulshada Caasimadda Muqdisho.

_________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post