591 Views

Lafta gareen oo la kulmay Xildhibaano u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS

Lafta gareen oo la kulmay Xildhibaano u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS
____________________________________________________________________________


Arbaco April 20, 2022

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo shalay Muqdisho ayaa iskugu yeeray
qaar ka mid ah musharixiinta Xildhibaanada u taagan xilka Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Xildhibaanada uu kulanka la qaatay Lafta gareen waxaa ay kala yihiin Xasan Cabdinuur, Aadan Cabdinaasir Xasan Eelaay iyo Aadan Saransoor kuwaas oo dhamaantood u taagan qabashada xilka guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa u sheegay Xildhibaanada u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay Koofur in xilkaas uu isaga la rabo Xildhibaan Xasan Cabdinuur, isagoo ka codsaday inay ku taageeraan sidii uu ugu soo bixi lahaa xilkaas Xildhibaanka kaas oo la filayo inuu shaaciyo maanta inuu u taagan yahay musharaxnimadiisa.

Sidoo kale, Madaxweynah Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen ayaa wado qorshe uu iskugu yeerayo Xildhibaanada Golaha shacabka ee laga soo doortay Maamulkaas, isagoo cadaadis ku saaro doorashada xilka Guddoomiyaha Golahaaas kaas oo uu la rabo Xildhibaan Xasan Cabdinuur.

Waxaa Muqdisho la filayaa inay ka dhacdo munaasabad uu Xildhibaan Xasan Cabdinuur ku shaacinayo Musharaxnimadiisa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka taas oo lagu martiqaaday Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada guddoonka Golaha shacabka oo ka qabanayo 27-ka bishaan April, halka tan Aqalka sare la qabanayo 26-ka bishaan April, sida qorshaha Guddiga guddoonka doorashada labada aqal uu yahay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post