327 Views

Haweeney dil argagax leh ka geesatay magaalada Muqdisho oo la qabtay

Haweeney dil argagax leh ka geesatay magaalada Muqdisho oo la qabtay
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 27, 2022

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Kaaraan ayaa xabsiga dhigay, haweeney lagu eedeeyay in si arxan darro ah u dishay gabar todobo sanno jir ah oo shaqaalo u aheyd.

Qoyska gabadha yar ee la dilay oo loo sheegay in gabadhooda geeriyooday ayaa booliiska ku wargaliyay dhacdadaasi, waxa ayna booliiska baaris kaddib ogaadeen in gabadha yar la dilay uuna madaxdeeda ka muuqday dhaawacyo.

Haweeney lagu magacabao Hani Ceydiid ayaa qiratay in ay dishay Nasro Cabdifitaax Abuukar oo aheyd todobo sanno jir shaqaale ka aheyd gurigeeda, waxa ayna sheegtay in madaxa darbiga uga garaacday marka ay ka xanaajisay.

Waxa ay sheegtay haweeneydan in ay ka xuntahay falka ay ku kacday oo sheydan ku sababay, waxa ayna ka codsatay dowladda Soomaaliya iyo ehelada gabadha yar ee dishay in ay ka cafiyaan falkaasi dilka ah.

Qoyska gabadhan yar la dilay ayaa dhankooda dalbaday in ay caddaalad helaan, waxa ayna sheegeen in gabadhooda yar si arxan darro ah u dishay haweeneyda ay ula joogtay shaqaale ahaan.

Dhacdadan ayaana noqotay mid dad badan aad uga argagaxeen, waxaana mararka qaar tacadiyo xanuun badan loo geestaa carruurta yar yar ee waalidiintood dad kale ugu geeyaan in ay u shaqeeyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post