1185 Views

Sawirro:-Dowladaha Somalia Iyo Masar Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Taageerayo Nidaamka Caafimaadka

Sawirro:-Dowladaha Somalia Iyo Masar Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Taageerayo Nidaamka Caafimaadka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  25, 2019 –Wasiirada Caafimaadka iyo Dadka ee dalka Masar, Drs. Hala Zaayid iyo dhigeeda Somalia, Drs. Fowsiya Abiikar waxay magaalladda Qaahira shalay ku kala saxiixdeen Borotokool Iskaashiga Labada Wasaaradood, si loo taageero Nidaamka Caafimaad ee Dowladda Somalia.

Saxiixa Heshiiska Borotokoolka waxa uu ku yimid Jadwalka shqo ee Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee labada waddan oo lagu xoojinayo xiriirka Labada Waddan ee dhamaan iskaashiga kala duwan.

Wasiirada Caafimaadka iyo Dadka ee dalka Masar, Drs. Hala Zaayid oo ka hadashay Saxiixaas kadib, waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay Walaalaha Soomaaliyeed u fidiyaan dhamaan Taageeradda ay u bahaan yihiin, haddii Khubaro Caafimad o oka socda  Masar loo soo diri lahaa Somalia, Tababarka shaqaalaha Caafimaadka ama loo dirayo Dawaooyin.

Waxay kaloo xustay inay taageeri doonaan Nidaamka Caafimaad ee Somalia  iyo Qalabka Caafimaad ee Lama huraanka ah iyo in Koox Caafimaad loo soo diro magaalladda Muqdsiho si ay u qiimeeyaan xaalladda dhulka iyo inay Talooyin Farsamo  iyo Taageero dhinacyo badan leh siiyaan Somalia, o oay ku jirto Horumarinta Nidaamka Gurmadka, Gaadiidka Ambalaasta, Bangiga Dhiigga, Daryeelka Caafimaadka Haweenka iyo Carruurta iyo taageerida Nidaamka Horumarinta ee Ilaalinta iyo wixii soo raaca.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Dadka ee dalka Masar, Dr. Khaalid Mujaahid ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Heshiiska Borotokoolka ee ay Somalia iyo Masar kala saxiixdeen, wuxuuna xusay inuu Heshiiskaasi khuseeyo Arrimaha Caafimaadka Dadweynaha, oo ay ku jiraan Daryeelka Asaasiga iyo Daawada Qoysaska, Ka-hortagga cudduradda faafa, Infekshinadda Cuddurada, Gargaarka, Ambalaasta, Tababarka Kalkaaliyaasha Caafimaadka iyo Adeegyadda Tababarada.

Waxa uu intaasi ku daray in Heshiiska Borotokoolka qoddobadiisa kale ay ka mid yihiin isweydaarsiga Xogaha Caafimaadka iyo in Bukaanadda lagu soo daaweyn karo labada dal, In Daawooyinka lagu farsameeyo Masaarida loo furo Suuqyadda Somalia iyo in la diiwaan-geliyo iyo qiimeynta daawooyinka iyo wax-soo-saarka kale ee Adeegyadda Caafimaadka.

AKHRISO

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment