609 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 22, 2021 —Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay gudaha dalkaasi ku dileen muwaadin Soomaliyeed oo kamid ahaa Somaalida Ganacsiga ahaan u tegay dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mustaf Maxamed Farayare, aya Kooxaha burcadda ah waxaa ay ku dileen Goobtiisa Ganacsi oo ku taal Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomalida ku nool Tuulada ayaa sheegay in dilka kadib ay goobta tageen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, hayeeshee aysan ku guuleysan inay qabtaan Burcadda dilka geysatay.

Habeen ka hor ayaa Kooxo Burcad ah waxaa ay laba muwaadin oo Soomaali ah ku dhaawaceen  Magaalada Cape Town, kuwaas oo Magacyadooda lagu kala sheegay  Jeceelow iyo Xundubeey.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si jogta ah uga dhaca, dilka, dhaawaca iyo Boobka lagu haayo Soomaalida, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid xil iska saartay waxka qabashada falalkaas.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post