210 Views

Ninka looga shakisan yahay dilka Shinzo Abe Raisal wasaarihii hore ee Japan oo maxkamad loo qaban qaabinayo

Ninka looga shakisan yahay dilka Shinzo Abe Raisal wasaarihii hore ee Japan  oo maxkamad loo qaban qaabinayo
____________________________________________________________________________


Arbaco: January  11 2023

Mas’uuliyiinta Japan ayaa xukumay in ninkii lagu eedeeyey dilka ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe, uu haatan caafimaad qabo lana soo taagi karo maxkamad

Ninkan laga shakisan yahay ee Tetsuya Yamagami, ayaa muddo shan bilooda ah waxaa lagu hayey baarsi caafimaad oo dinaca maskaxda ah.

Mr Abe ayaa bishii Julay ee sanakii hore la toogtay isagoo ku jira khudbad olole ah oo uu ka jeedinayey magaalada galbeedka Japan ku taalla ee Nara. Mr Yamagami, ayaa lagu qabtay isla goobta .

Waxaa uu bartilmaameedsaday Mr Abe waayo wuxuu rumeysnaa in hoggaamiayaha hore u uku xirnaa kaniisadad Unificationoo u uku eedeeyey in ay sababeen dhaqaale burbur ku yimid qoyskiisa .

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post