717 Views

Al-shabaab oo qarax is-miidaamin ah iyo dagaal toos ah ku qaaday deegaanka Camaara

Al-shabaab oo  qarax is-miidaamin ah iyo dagaal toos ah ku qaaday  deegaanka Camaara
____________________________________________________________________________

Talaado: August 24, 2021

 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Weerar saakay ku bilaawday  qarax iyo  is-miidaamin ah oo saaka aroortii hore dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka koonfurta gobolka Mudug.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu xigay  dagaal toos ah oo u dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa daaraawiishta Galmudug ee ku sugnaa deegaanka la weeraray oo ah mid istaraatiiji ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo saxafada la hadlay  ayaa sheegay inay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ee soo weeraray, isla-markaana ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Camaara.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post