603 Views

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Garoowe

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Garoowe
____________________________________________________________________________

Talaado: May 31, 202

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa uu maanta muddo kadib ka degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe, isagoo safar ugu maqnaa magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Kadib soodhaweynta Madaxweyne Saciid Deni waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada, isagoo kahor inta uusan u safrin Kenya uu magaalada Muqdisho ugu qeyb galay doorashada Madaxtinimo ee dalka ka dhacday 15-kii bishaan May, waxaana uu ahaa musharax madaxweyne balse waa uu waayay xilkaas.

Intii uu muqdisho ku sugnaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu khilaaf adag kala dhaxeeyay Ku-xigiinkiisa Axmed Karaash kaas oo la xiriiray awoodda maamul, waxaase la sheegay in heshiis is afgarad ah ay ka gaareen labada dhinac khilaafkii ka dhex jiray, kadib markii ay ku baxeen isimada dhaqanka iyo Mas’uuliyiin xil kasoo qabtay Puntland.

Madaxweynaha Puntland kadib markii uu kasoo degay Magaalada Garoowe waxaa uu sheegay in in Puntland ay ku faraxsan tahay Natiijada kasoo baxday doorashadii Madaxweynenimo ee uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud taas oo ka dhacday Magaalada Muqdisho, isagoo Sidoo kale u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay soo dhaweyntiisa uu ku yimid Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post