1140 Views

SAWIRO:-Booliska Jubbaland & AMISOM oo ka shiray Amniga Xarunta doorashada

SAWIRO:-Booliska Jubbaland & AMISOM oo ka shiray Amniga Xarunta doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 10, 2019 —Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Jubbaland iyo AMISOM ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta markii labaad waxaa ay kormeer ku tageen halka loo qorsheeyay inay dhawaan ka dhacdo doorashada Maamulka Jubbaland.

Mas’uuliyintaan ayaa soo indha-indheeyay waxa ka socda howlgalka maadaama loo xil saaray sugida Amniga doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland, iyaga oo intaasi kdib shir ka yeeshay sidii ay u sugi lahaayeen Amniga.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska AMISOM Akaninyene Unaan ayaa sheegay in Ciidamadooda ay diyaar u yihiin in kuwa Jubbaland ay kala Shaqeeyaan sugida Amniga Xarunta doorashada iyo amaanka mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa.

“Waxaan ahay kormeeraha Guud ee AMISOM Boolis ee jubbaland iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska AMISOM,waxana dhawaan halkan yimid saraakiil sare oo ka socda AMISOM,waxana ka wada hadalnay nabadgalyada doorashada kahor iyo kadiba,manta waxan halkan u nimid aniga iyo taliyaha booliska Jubbaland inaan indha-indheyno sida ay wax u socdan ayuu yiri Akaninyene Unaan.

Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay xaqiijiyeen in ay ku filan yihiin  amniga Goobta doorashada lagu qabanayo iyo Amniga musharixiinta intaba.

A

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment