681 Views

Madaxweyne Trump oo isbitaal loola cararay

Madaxweyne Trump oo isbitaal loola cararay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 03, |  2020
—Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump  loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19.

Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “.

Markii cisbitaalka loo qaadayey, madaxweynaha ayaa isaga oo si aayar u socda ka soo baxay Aqalka, xilli ay sugeysay dayuurad helicopter ah oo u qaadday cisbitaalka militariga ee Walter Reed oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee duleedka magaalada Washigton, DC.

Madaxweyne Trump ayaa dhowrka maalmood ee soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo cisbitaalka ku taalla, taxadar dartii, sida ay sheegtay xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post