846 Views

Wabiga Shabeelle oo xalay fatahaad ka geystay deegaanada Moyko iyo Baarey oo dhaca duleedka magaalada Jowhar

Wabiga Shabeelle oo xalay fatahaad ka geystay deegaanada Moyko iyo Baarey oo dhaca duleedka magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

May 1-2021

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu  xalay fatahaad ka geystay deegaanada Moyko iyo Baarey oo dhaca duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka magaaladaasi ay wadaan saakay dadaallo xoog leh oo ay wadaan maamulka magaalada Jowhar iyo kan gobolka Shabeellada Dhexe, si loo xakameeyo fatahaada uu bilaabay wabiga Shabeelle.

Deegaanka Moyko oo qiyaastii 1-KM koonfur bari ka xiga Jowhar ayuu fatahaada ugu badan xalay ka geystay wabiga Shabeelle, waxayna biyaha ka fatahay wabiga xireen wadooyinka soo gala deegaanka Moyko, iyagoo saameyn xoog leh u geystay guryo iyo goobo ganacsi oo deegaanka ku yaalla.

Sidoo kale magaalada Jowhar ayey soo gaareen biyaha ka soo fatahay halka wabigu ka maro deegaanka Moyko, dhanka kale deegaanka Baarey oo qiyaastii 5-KM waqooyi ka xiga caasimadda HirShabeelle ee Jowhar ayuu xalay fatahaad kale ka geystay wabiga Shabeelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post