528 Views

Ciraaq “ Waxa aan martigelin doonaa kulan dhexmaraya wasiirrada arr. dibadda ee Sacuudiga iyo Iran

Ciraaq  “  Waxa aan martigelin doonaa kulan dhexmaraya wasiirrada arr. dibadda ee Sacuudiga iyo Iran
____________________________________________________________________________

Sabti: july 23, 2022

Ciraaq ayaa sheegtay in ay isku diyaarineyso in ay martigeliso kulan ay yeelan doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee Iran iyo Sacuudiga.

wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq Fuad Hussein ayaa sheegay in labada wasiir arrima dibadeed ee Iran iyo Sacuudigu ay kulmi doonaan waqti uusan cayimin.

“Waxa aan isku diyaarineynaa kulanka, innaga oo isku dayeyna in aan helno waqtiga ugu fiican ee aan casuumi karno labada wasiir ee Iran iyo Saudi Arabia,” ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in dalkiisa iyo Sacuudi Carabiya ay diyaar u yihiin in ay wadahadallada ay ku heshiinayaan ay u gudbaan kuwa heer sare ah, waxaana tani ay imaneysaa sanad ka dib markii ay wadahadalkan bilaabeen labada dhinac, iyo lix sano ka dib markii uu xumaaday xiriirka labadan dal.

Tan iyo bishii April ee sanadkii hore, Ciraaq ayaa martigelisay ilaa shan wareeg oo wadahadallo u dhexeeya Sacuudiga iyo Iran, kuwaasi oo kala taageera dagaallada ka socda qeybo ka mid ah gobolka.

“Horumar ayaa laga sameeyay wadaxaajoodyadan,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Hossein Amir-Abdollahian ku yiri wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda Iran.

Waxa uu intaasi ku daray in toddobaadkii hore ay Iran heshay farriin ka timid wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq Fuad Hussein uuna ku sheegay in “dhinaca Sacuudigu ay diyaar u yihiin in wadahadalka uu u gudbo dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.”

Dublumaasiga sare ee Iran ayaa xusay in wareegyadii hore ee wadahadalladu ay ahaayeen kuwo ku kooban saraakiisha ammaanka.

“Waxa aan ku dhawaaqnay in aan diyaar u nahay in wada-hadallada ay galaan siyaasadda,” ayuu yiri.

Sannadkii 2016-kii, dibad-baxayaal Iiraaniyiin ah ayaa weerar ku qaaday xafiisyada dublumaasiyadda ee Sacuudiga ee ku yaalla Iran ka ddib markii boqortooyadu ay xukun dil ah ku fulisay wadaad Shiico ah, Nimr al-Nimr. Riyaad oo taasi ka jawaabeysa ayaana xiriirka u jartay Tehran.

Amir-Abdollahian ayaa sheegay in uu rajeynayo in wadaxaajoodyada ay kula jiraan Riyadh ay keento in “uu caadi ku soo laabto xiriirkii u dhxeeyay Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

Markii uu xumaaday xiriirkii Iran iyo Sacuudiga, Imraataatka Carabta ayaa hoos u dhigay xiriirkooda dublumaasiyadeed ee Iran, iyadoo Kuwait ay iyana dib ugu yeeratay safiirkoodii dalkaasi.

Toddobaadkii hore, dowladda Imaaraatka ayaa sheegtay in ay “ka fiirsaneyso” in ay safiir u magacowdo Tehran.

Amir-Abdollahian ayaa sheegay in ay tallaabo sidan oo kale qaaday Kuwait oo uu safiirkeeda cusub “gaari doono Tehran maalmaha soo socda,” sida uu yiri.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post