759 Views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoor Qoor oo galabta gaaray dhuusamareeb.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoor Qoor  oo galabta gaaray dhuusamareeb.
____________________________________________________________________________

.

Jimco: October 1, 2021

Wararka ka imaanaya caawa magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in galabta gabaldhicii uu dib ugu laabtay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo senataro katirsan Aqalka Sare .

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoor Qoor ay la socdaan Xubno ka tirsan Senetaro ka tirsan Galmudug, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan safarkiisa Deg degta ah.

 Qoor Qoor iyo xubnaha la socda ayaa magaalada Dhuusomareeb u tagay sidii xal loogu heli lahaa xiisada soo cusboonaatay iyo abaabulka Ahlu Sunna mar kale ku dooneyso in Dhuusomareeb iyo deegaano kale ku qabsato.

Sidoo kale  Safarka Qoor Qoor ayaa ku soo aadaya xili Ciidamo daacad u ah Ahlu Sunna ay galabta dagaal la’aan la wareegay magaalada Guriceel, waxaana Ahlu Sunna saraakiil katirsan ku hanjabeen in ay dib ula wareegi doonaan deegaanadii horey gacantooda ugu jirtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post