237 Views

Cody Gakpo “In badan ayaanu taleefanka ka wada hadalnay” Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool

Cody Gakpo  “In badan ayaanu taleefanka ka wada hadalnay” Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool
____________________________________________________________________________

Khamiis: 29 December 2022

Saxeexa cusub ee kooxda Liverpool ee Cody Gakpo ayaa shaaca ka qaaday qaabkii uu daafaca ay dhalasho wadaaga yihiin ee Virgil Van Dijk door ugu lahaa inuu Anfield ku biiro.

Liverpool ayaa xalay si rasmi ah usoo bandhigtay saxeexa Gakpo oo heshiis guud ahaan 50 Milyan oo pound tagaya ugaga yimid dhinaca PSV Eindoven kaddib xilli ciyaareedyo heer sarre ah oo uu soo qaatay

Gakpo ayaa mudo dheer lala xidhiidhinayay Man United isagoo xataa shaqsiyan ka warramay sida uu ugu dhawaaday u wareegista Old Trafford balse ugu dambayn ka degay kooxda uu xifaaltanka taariikheed kala dhaxeeyo.

Cody ayaa kaddib soo bandhigidiisa xalay shaaciyay in Virgil ay in badan wada hadlayeen maalmihii ugu dambeeyay isla markaana uu ku qanciyay in ku biirista Liverpool u tahay talaabada ugu wanaagsan ee horumarkiisa.

“In badan ayaanu taleefanka ka wada hadalnay maalmihii ugu dambeeyay” ayuu yidhi Gakpo oo xidhan doona maaliyada No.18 oo ay hore Dirk Kuyt iyo Michael Owen usoo qaateen.

“Wuxuu ii sheegay inay tani tahay talaabada saxda ah ee ay tahay inaan qaado iyo midii aan ku horumari lahaa ee aan ciyaartoy sidan kasii fiican ku noqon lahaa, inay kooxdu tahay koox weyn oo balaadhan balse sidoo kale ay tahay qoys – Waxaan filayaa inay taasi aad muhiim u tahay sababtoo ah anigu waxaan ahay nin qoys”

“Markii aan tababaraha la hadlayay waxa uu yimid qolka tababaraha (Van Dijk) kaddib wuu i arkay waxyar ayaananu wada hadalnay, anigu sidoo kale waan ku faraxsanahay inuu halkan joogo sababtoo ah waxyaabaha qaar ayuu iga caawin doonaa”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post