1215 Views

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudug ee Puntland oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudug ee Puntland oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

 Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Xasan Waloore ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada ku xeeran, kaasi oo lagu xoojinayay Nabadgelyada.

Mudane Maxamed Xasan Waloore oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falalka amni darrada ah iyo kuwa kale oo ku howlanaa waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasi oo qaarkood lala soo qabtay hubkii ay wateen, halka kuwa kalena ay hubka ka carareen.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xusay in dagaalka lagula jiro waxyaabaha maanka dooriya uu la midyahay midka lagula dagaalamayo argagixisada Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in qaarkood maanta Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland ay xukuno kala duwan ku diray.

“Hubka waxa uu ka koobnaa 17 qori oo AK47, 2 qori Faal ah iyo qori Baasuuke ah, qoriga loo yaqaan Baroon 50-tiga ah, iyo labo F1 oo ah midna ay tahay midda qaraxda, mida kalena ay tahay tan Qiiqa ah, Qori Nuuca loo yaqaan Kaarabiinka ah iyo booshashkii ay wateen, hubkana waxa uu ahaa mid habeenkii dadka lagu dhibaateyn jiray” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Mudug ee Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post