990 Views

Xildhibaan sheegay in Madaxweyne Farmaajo balan uga baxay

Xildhibaan sheegay in Madaxweyne Farmaajo balan uga baxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 08, 2019–Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolkan Banaadir aysan wax xaquuq ah ka heysan dowladda Federaalka,isla markaana dowladda ay u sameyn la’dahay Maamul u gaar ah.

 

Waxaa uu sheegay in xilligii doorashada uu Madaxweyne Farmaajo u balan qaaday in Maamul gaar ah uu u sameyn doono Muqdisho,hayeeshee uusan fulin balantaas,waxaana uu ugu baaqay in uu madaxweynaha uu fuliyo balantii uusameeyey.

 

 

 

“Madaxweynaha Xildhibaano kasoo jeeda Muqdisho ayuu yiri I doorta Banaadir State ayaan ku dhawaaqayaa laakin ma fulin,marka in dadka muqdisho laga dabageeyo ma fiicno lana yiraahdo dowladnimada dhowra wixii kasoo baxana anagaa leh ayuu yiri ” Xildhibaan Cosoble.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Muqdisho aan lagu kalifin inay dhib ka Shaqeeyaan oo ay u guuraan Ceelasha Biya ee xaquuqdooda haka helaan dowladda oo hala siiyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment