468 Views

Tirintii Codadka Doorashada Kenya oo goor dhawayd la soo gabagabeeyay iyo Madaxweyne lagu dhawaaqayo goor dhaw

Tirintii Codadka Doorashada Kenya oo goor dhawayd la soo gabagabeeyay iyo Madaxweyne lagu dhawaaqayo goor dhaw
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 11, 2022

Dadka Kenya ilaa hadda ma oga qofka noqonaya madaxweynahooda xiga, iyadoo in ka badan 45 saac laga joogo markii la xiray sanaadiiqyada lagu dhiibanayay codadka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashada Kenya, Wafula Chebukati ayaa kula taliyay dadweynaha in ay dulqaad muujiyaan, isla markaana aysan ka walaacin tirooyinka codadka kala duwan ee ay warbaahintu soo bandhigeyso.

Xarun kasta oo warbaahin waxay sameynaysaa tirin, iyadoo tixraaceysa xogta in ka badan 46,000 oo goob codbixineed.

Laakiin, Guddiga Doorashada keliya ayaa ku dhawaaqi kara natiijada kama dambeysta ah iyo cidda guuleysatay.

Tirooyinka ay warbaahintu soo bandhigeyso ayaa muujinaya in labada murashax ee ugu cadcad ay yihiin Raila Odinga iyo William Ruto – waana tartan aan sidaas loo kala fogeyn.

“Waa inaan laga argagaxin kala duwanaanshaha aan ku aragno shaashadaha warbaahinta. Natiijadu waxay ka soo baxaysaa hal meel oo isku mid ah; habka ay wax u mareyso [warbaahinta kasta] way ka duwan tahay tan kale,” ayuu yiri Chebukati.

Maxay tahay sababta ay u qaadanayso waqtiga dheer?

Kooxo saxafiyiin ah oo ka howlgala xarumo kala duwan ayaa ku jira howl culus oo ay mid mid u soo gudbinayaan tirooyinka laga helay goob kasta oo ka mid ah goobaha cod-bixinta. Warbaahin kasta waxa ay wax ku saleyneysaa xowli ka duwan kuwa kale oo ay si gaar ah ugu xulanayso goobaha codbixinta.

Marka ay timaado Guddiga, marka la ururinayo natiijada, saraakiishu waxay u baahan yihiin inay mid walba xaqiijiyaan – waa howl kale oo waqti badan qaadanaysa.

Mas’uuliyiinta ayaa hadda is barbar-dhigaya natiijadii uu Guddigu ka helay goobaha cod-bixinta oo isugu jira qaab sawir ahaan ah iyo warqadda dhabta ah ee natiijada lagu diiwaangelinayo, taasoo lagu wareejinayo xarunta codbixinta ee caasimadda Nairobi.

Waxaa sidaas loo yeelayaa si loo hubiyo in labada natiijo ay iswaafaqaan, waana sababta ugu muhiimsan ee ay arrimuhu u qaadanayaan waqtiga dheer.

Tirinta codadka qaar ka tirsan goobaha cod-bixinta ayuu sidoo kale dib-u-dhac ku yimid, iyadoo safarradii loo geli lahaa Nairobi, gaar ahaan wakiillo ka yimid meelo fogfog, waxay noqon kartaa arrimo kale oo ka qeyb qaadanaya dib-u-dhaca.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post