681 Views

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg oo diiday dalabaadka Ruushka ee ah in la baabi’iyo ballanqaadkii 2008 ee Ukraine

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg oo  diiday dalabaadka Ruushka ee ah in la baabi’iyo ballanqaadkii 2008 ee Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: December 11, 2021

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa diiday dalabaadka Ruushka ee ah in la baabi’iyo ballanqaadkii 2008 ee Ukraine ee ahaa in waddanku uu maalin uun xubin ka noqdo xulafada milatariga reer galbeedka.

Hadalkaan ayaa soo baxay Jimcihii ka dib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ay sheegtay in NATO ay tahay in ay si rasmi ah u baabi’iso ku dhawaaqistii 2008-dii ee xubinnimada Georgia iyo Ukraine, oo ah laba Jamhuuriyadood oo hore u ahaan jiray Soviet Union.

“Xiriirka NATO ee Ukraine waxaa go’aamin doona 30 dal ee kujira xulufada NATO iyo Ukraine, cid kale ma jirto,” Stoltenberg ayaa u sheegay suxufiyiinta Brussels Jimcihii.

Ruushka ayaa qabsaday gobolka Crimea ee Ukraine 2014-kii isagoo lagu eedeeyay inuu taageeray fallaagada gooni-goosadka ee gobolka Donbas ee bariga dalkaas. Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale qabsaday laba gobol oo ka go’ay Georgia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post