918 Views

Qoor Qoor oo Fariin Culus u Diray Xildhibaanada Laga Soo Doortay Deegaanada Galmudug

Qoor Qoor oo Fariin Culus u Diray Xildhibaanada Laga Soo Doortay Deegaanada Galmudug
____________________________________________________________________________


khamiis: March 17, 2022

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ee haatan sii socda.

Qoor Qoor ayaa marka hore farriin gaar ah u diray xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo baxay Galmudug, wuxuuna ugu baaqay inay la yimaadaan metalaad dhab ah iyo sidoo kale waxqabad muuqda 4 sano ee soo socota.

“Xildhibaannadii labada la doortay hambalyo & bogaadin kaddib waxa aan idin leeyahay deegaannadiina la socda duruufaha & waxyaabaha ku xeeran iyo in Galmudug ayaad ugu timaadaan 4ta sano soo socota waxqabad aad sameyseen” ayuu yiri Axmed Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xubnaha soo baxay ay qaarkood ka aragti duwan yihiin, balse muhiimaddu ay tahay waxgalnimada.

“Sanadkaan waxaa la doortay Xildhibaannada labada Gole oo lagu jilba murxay oo sida la wada qiray ay yihiin Dad aad u sareeya oo Soomaali ka dhex muuqda Soomaali ka dhex muuqda, sida ay kusoo baxeenna anigu isku amaani maayo waxa aan qabaa kalsooni xubno iga aragti duwan oo isku meel aan siyaasad u wadin in ay usoo baxeen Galmudug, waxa aan aaminsanahay kala duwanaashiyuhu waa waqti kooban, waxgalnimaduna waa wax dheer, isku xirnaada oo door muuqda ka qaata Doorashada heer Qaran” ayuu raaciyey.

Dhinaca kale Qoor Qoor ayaa soo hadal qaaday doorashada weli sii socota, maadaama la dhaafay 15-kii March oo lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka, wuxuuna ka digay in markale dib loo sii dheereeyo xilliga doorashooyinka.

“Waxa aan rabnaa in Dalka markale uusan dib ugu noqon is jiid-jiid, Xildhibaanno ku filan doorasho waa diyaar, waxa aan dooneynaa in horay loosii galo oo aan Dalka lagu heyn jiitan dambe, Saaxiibadii Beesha Caalamka ee Soomaaliya gacansiinayay niyad-jab intaas ka badan nagu qabin, waxaa ku xiran la dagaalanka Argagixisada, Abaaraha & in Dalka horay ugu socda” ayuu markale yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ku guuleysteen in waqtigii loo qorsheeyey ay ku soo gabagabeeyaan doorashooyinka

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post