2304 Views

Inkabadan 100 Xildhibaan Oo Mooshin Ka Gudbiyey Gudoomiye Jawaari

Inkabadan 100 Xildhibaan Oo Mooshin Ka Gudbiyey Gudoomiye Jawaari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 14, 2018 —-Waxaa inkabadan 100 xildhibaan oo kamid ah Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka u gudbiyeen mooshin ka dhan Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Cabdiwali ibraahim Muudey ayaana aqbalay mooshinka ka dhan ah gudoomiye Jawaari.

Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay 108 ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya,waxaana ay u sababeeyeen  in guddoomiyaha Golaha shacabka uu ku fashilmay hab maamulka hoggaaminta Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa qaar badan oo kamid ah waxaa ay ku doodayaan in Jawaari uu ku guuldareystay soo dhameystirka gudiyada Golaha shacabka.

Xildhibaanada oo wali ku jira kulamada hore eekalfadhiga 3ad ayaa la tilmaamay in maalmihi dambe ay ku mashquulsanayeen diyarinta mooshinkani

0000001222

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment