702 Views

Uganda Oo Sheegtay In Qof Ismiidaamiyay Uu Ka Dambeeyay Qarax Ka Dhacay Kampala

Uganda Oo Sheegtay In Qof Ismiidaamiyay Uu Ka Dambeeyay Qarax Ka Dhacay Kampala
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 27, 2021

Afhayeenka booliiska Fred Enanga ayaa sheegay in qofka ku dhintey qaraxa uu ahaa qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa.

Waxa uu intaa ku daray in ninka weerarka geystay uu ku jiray “Liiska la raadinayo” uuna ka tirsan yahay kooxda Islaamiyiinta ee Allied Democratic Forces (ADF), oo ka hawlgasha dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Dhowr qof oo rakaab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxan oo dhacay shalay. Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayaa qarax kale oo ka dhacay maqaayad ku taal Kampala waxaa ku dhintay hal qof saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Booliska ayaa sheegay in qaraxii Sabtidii uu ka dhashay walxaha qarxa oo ay ku jiraan masaamiir iyo biro lagu qariyay bac.

Mr Enanga waxa uu sheegay in baarayaashu ay sameeyeen in ay isku xirnaayeen labada weerar.
“Waxaa jira shaqsiyaad ama kooxo shaqsiyaad ah oo diyaarinaya IED [aladaha qarxa] kuwaas oo (ka tirsan) isla kooxda weerarka soo qaaday,” ayuu sii raaciya Mr Enanga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post