1356 Views

Wasiirka howlaha guud ee Somaliya oo is casilay

Wasiirka howlaha guud ee Somaliya oo is casilay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 –Wasiirka Howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya C/Fitaax Ibraahim Geesey ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka wasaaraddaas.

C/Fitaax oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in uu isu casilay faragelinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku sameysay dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in xubnaha Maamulka Koofur Galbeed ku matala dowladda Federaalka ah ee uu isaga ka midyahay aysan la socon meesha ay dowladda Soomaaliya ku go’aansatay faragelinta Koofur Galbeed.

Waxaa kale oo uu sheegay in shacabka degaannada Koofur Galbeed aragtidooda lagu cabburinayo sidoo kalena hanjabaad loogu darayo.

C/Fitaax Geeseyay ayaa sidoo kale sheegay in si casilaaddiisa ay qeyb ka tahay xarigga Mukhtaar Roobow, oo ka mid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha maamulkaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment