780 Views

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda oo kulan la yeeshay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda oo  kulan la yeeshay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub
____________________________________________________________________________


Talaado: September 21, 202

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa kulan la yeeshay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Wasiirka ayaa la wadaagay safiirka guulaha laga gaaray dadaalada horumarinta Waxbarashada oo ay wadaan Wasaaradda Waxbarashada, Bahwadaagta Waxbarashada iyo sida ay Wasaaradda uga go’an tahay inay xaqiijiso baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh, loona dhan yahay.

Safiirka ayaa dhankeeda uga mahad celisay wasiirka iyo guud ahaan Wasaaradda guulaha ay gaareen, kuna boorrisay inay sii labo jibbaaraan, waxayna sheegtay in Midowga Yurub uu xoogga saari doono xoojinta tayada waxbarashada iyo farsamada gacanta si loo horumariyo bulshada loona kobciyo dhaqaalaha dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post